Dagaalamyaasha mucaaradka ku ah dowladda Suuriya ayaa iskaga baxay magaalo muhiim u ahayd oo katirsan gobolka Idlib oo ay ku xooganyihiin dagaalayaasha kasoo hor jeeda dowladda.
Magaaladan ayaa lagu magacaabaa “Khan Shaikhoun” waxaana gabi ahaanteed go’doomiyay ciidamada dowladda taas oo keentay in ay iskaga baxaan falaagada.
“waxa ay hadda u dhaqaaqeen dhanka waqooyiga iyo bariga” ayuu mid kamid ah dadka ku sugan gobolka Idlib u sheegay warbaahinta al-Alazeera.
Iskaga bixitanka magaalada Khan Shaikhoun, oo kamid ah magaalooyinka ugu waa wayn ee gobolka Idlib ayaa imaanaysa kadib maalmo ay halkaasi isku dirirayeen dagaalayaasha falaagada iyo ciidamada daacada u ah madaxwayane Bishaar al-Asad.
Xoogaga ay taageeraan militariga Ruushka ayaa sadax maalin oo xiriir ah go’doominayay magaaladan oo muhiim u ahayd kooxaha dowladda kasoo horjeeda.
Magaalada “Khan Shaikhoun” ayaana gacanta falaagada ku jirtay tan iyo sanadkii 2014’tii.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.