Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa ay Gudaha dalkaas  ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku ganacsada dalkaas, xilli uu ku jiray howshiisa caadiga ah ee Shaqo.

Kooxda ayaa weerartay muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Colaad Caddow Absuge, isaga oo ku sugnaa meel aan ka fogeen Goobtiisa Shaqada oo ku taalla tuulo hoostagta Magalada Cape town.

Kooxdii Burcada aheyd ee dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana dad ku sugan Koonfur Afrika ay sheegeen in meydka  muwaadinka Soomaaliyeed mudo kadib goobta laga qaaday.

Dalka Koonfur Afrika ayaa sanadkan 2019 waxaa kusoo kordhay dilalka loo geysanayo Soomaalida ku Ganacsata,waxaana  2-dii Bishaan October  deegaanka soshanguve  oo ka tirsan Magalada Pretoria lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Xasan Buulle.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.