Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa baahisay Sawirada Sarkaal ay sheegtay Hay’addu in uu ka tirsanaa Warbaahinta Al-Shabaab.

Sida lagu daabacay Barta twitter-ka Hay’adda NISA Sarkaal kaas ayaa la sheegay in lagu soo qabtay Howlgal ka dhacay degmada Howl-Wadaag ee Gobolkan Banaadir.

NISA mashaacin Magaca Sarkaalka la soo qabtay iyo xilliga uu dhacay howlgalka lagu soo qabtay,hayeeshee NISA ayaa sanadihii u dambeysay waxaa ay shaacineysay inay qabatay saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab iyo Daacish kadib howlgallo laga sameeyay Muqdisho iyo duleedkeeda.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.