Qaramada Midoobay ayaa ka hadashay diyaaradii labo maalin kahor ay soo rideen ciidamada Itoobiya oo ka dhacay degmada Bardaale ee gobolka Baay, waxaana duqeynta ku dhintay lix qof oo diyaraadaasi saarnaa.

Ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee xogyaha guud ee QM u qaabilsan Arrimaha isku xirka bani’aannimada ee Soomaaliya, Adam Cabdelmowla ayaa sheegay in uu aad uga naxay diyaarada gar gaarka uu waday Bardaale.

Adam ayaa tacsi u diray ehelka iyo qaraabadii ay ka baxeen dadkii ku dhintay shilkaasi diyaaradeed, waxa uuna tilmmamay inay naf hurid sameeyeen, iyagoo ku guda jirey howl muhim ah oo ah inay dadka kale caawiyaan.

Waxa uu balan qaaday in Qaramada Midoobay gacan ka geesan doonto baaritaanka waxii sababay shilkaasi diyaaradeed, waxa uuna balan qaaday in ay ka caawinayaan Dowlada Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed helida sababaha bur burka diyaarada.

Diyaarada la soo riday ayaa laga lahaa dalka Kenya waxa ayna u kireesneyd shirkada Afrikan Airweys, waxaana diyaaradan la tuhmayaa in ay soo rideen ciidamada Itoobiya ee jooga Bardaale.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.