Madaxda ugu sarreysa dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay saacadaha soo socdo gaaraan magaalada Dhuusamareeb ee Xaruunta gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku suganyihiin madaxda shanta maamul goboleed ee dalka.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ka qeybgali doonaan wajiga labaad ee shirka kadib amar kaso baxay Xalane.

Ilo wareedyo ayaa sidoo kale sheegaya in Safiirka Mareykanka u qabilsan Soomaaliya, Donald Yamamoto iyo Wakilka Qaramada Midobe, James Swan ayaa arintaan gadaal ka riixeyso, islamarkaana dooneyso in is-faham waaga siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.

Dad badaan ayaa ku eedeeyay Reer Galbeedka gar ahaan dowlada Mareykanka inay wataan nooc doorasho oo gaar ah, taasoo ka turjumeysa danahooda, oo aan ahayn danta Soomaaliya.

Reer Galbeedka oo dano kala duwan ka leh arrimaha dalka Soomaaliya oo qaran-bur-bur 30 sano jirsaday ku dhacay , taasoo keentay khilaaf dan ku saleysan, oo dhexdooda ku jira.

Halgan Media.