Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo maanta ka dhacay magalaada Goday ee xarunta gobolka Shabelle.

Shilkan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen Mooto Bajaaj iyo gaari weyn oo ah kuwa xamuulka qaada oo marayay gudaha magalaada Goday.

Hal qof ayaa ku dhintay shiilka, halka ay Gabadh kale ku dhawaacmay, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Gabadha ku dhaawacmay shiilka ayaa soo gaartay waxyeelo xoogan ayaa lagu dabiibayaa mid ka mid ah isbitaallada magaalada Goday ee gobolka Shsbelle.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.