Ururka Taalibaan ee ka dagaalama wadanka Afgaanistaan ayaa ku dhawaaqay xabad joojin sii jiri doonta muddo seddax maalmood ah.

Hogaanka ururkaas ayaa sheegay in maalmaha Ciidul-fitriga aysan dagaal qaadi doonin, waxayna xabad joojintaasi dhaqan gashay Shalay maanta.

Taalibaan ayaa bilihii ugu dambeeyay aad u kor dhisay weerarada ay la beegsanayaan ciidamada dowladda Afghaanistaan, sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha.

In kastoo Taalibaaniyiintu ay aad u yareeyeen dagaaladii ay ku qaadeyaan Ciidamada Ajanabiga ah ee dalkaasi jooga, hadana waxan jira heshiis ay galeen Taaliban iyo dowladaha quwada leh oo uu Mareykanku hor boodayo.

Madaxweynaha Afgaanistaan Asharaf Afgaani ayaa si aad ah u soo dhaweeyay xabad joojinta uu ku dhawaaqay Ururka Taalibaan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.