Sida wararku sheegayaan waxaa maanta xirnayd wadada laamiga ah gaar ahaan jidka laamiga ah ee mara magaalooyinka Haramaya iyo Awaday kaddib rabshado ay Oromadu aaggaas ka bilaabeen.

Dhalinyarta Oromada ayaa waddooyinka xirtay, iyagoo ka caraysan xaaladda ka taagan gobolka Wallaga oo ay sheegeen in ciidanka qaranku dhibaatooyin ba’an ka wadaan gobolkaas.

Geesta kale waxaa iyaguna xirnaa maanta dukaamada iyo goobaha ganacsi ee meelo badan oo ka tirsan ismamuulka Oromada, sidoo kale magaalada Diridhabe gaar ahaan meherado ku yaal suuqa Konel ayaa iyaguna maanta xirnaa.

Dowlada Federalka Itoobiya ayaan iyadu wali ka hadlin xaaladdan maanta soo korodhay, marka laga reebo ciidamo tiro badan oo maanta lagu soo daadiyay magaalooyinka Haramaya, Awaday iyo waliba qaybo kamid ah magaalada Diridhabe.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco shabakada Halgan Media.