Wasirka ariimaha dibaada dowlada Masar Sameh Shoukry ayaa sheegaya in uu gabi ahaanba burburay wadahadalkii udhaxeeyay dowladaha Masar iyo Itoobiya, kaas oo lagaga wadahadlayay biyo xidheenka uu Taliska Abiy Ahmed kadhisayo Gobolka Abay ee galbeedka Itoobiya.

Sida aan lawada soconay xukuumadaha Qaahira iyo Addis Ababa ayaa siwayn isugu maandhaafay biyo xidheenka ay Dowlada Itoobiya kasamaysay galbeedka Itoobiya, iyadoo qorshuhu uu yahay in laxidho wabiga Nile oo ah wabi ay kafaa’iidaystaan malaayiin shacab ah oo Masaari ah.

Dhinaca kale khuburo ree Masar ah oo arimahan falan qeeyay ayaa sheegay in hadii xidhiidhka Masar iyo Itoobiya uu siixumaado lafilan karo dagaalo dhex mara labada wadan kuwaas oo saamayn wayn kuyeelan kara guud ahaan qaarada Africa.

Xidhiidhka labada wadan ayaa siixumaanayay tan iyo intii ay xukuumada wayaanuhu bilowday biyo xidheenka Abay kaas oo madaxwaynihii hore ee wadanka Masar Maxamed Mursi uu siwayn uga biyo diiday.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.