Waxaa lagu dilay magaalada Toronto wiil Soomaaliyeed  oo lagu magacaabi jiray  Hanad Cali oo 16 jir Soomaali ahaa. Wiilkaas ayaa koox hubeysan ku dhex dileen xaafada uu ka daganaa Magaalada Toronto gaar ahaan guryaha ku yaala  wadada  Jane Street oo ku dhaw wadada wayn ee  Highway 401 oo ku beegan waqooyi bari ee magalaada Toronto.

Booliska magaalada Toronto ayaa xaqiijiyay in Khamiistii ay ku baxeen goob ay rasaas ka dhacday, markii ay tageenna ku arkeen Hanad Cali oo dhaawac culus uu gaaray isla goobtana ku geeriyooday.

Magalaada Toronto ayaa noqotay goob lagu dilay caruur badan oo Soomaali ah kuwaas oo intood badan u dhinta dhaacawyo ka soo gaaro bistoolado. Booliiska ayaa sheegay  in Hanad ay dileen 3 Nin oo watay Gaari Honda Madow ah, markii ay baxsanayeenna arkayeen sida ay sheegeen dad akayaya marka dila dhacay.