Mamuulka Somali Galbeed ayaa Wafdi u direen degmada Salaxaad oo katirsan gobolka Erer, halkaas oo dhawaan dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah uu ku dhexmaray laba maleeshiyo Beeleed.

Wafdiga waxaa  hoggaaminayay Wasiir ku xigeenka Xafiiska Madaxweynaha, waxaana ay kulama la qaateen Odayaasha dhaqanka degmada Salaxaad, kadib markii si rasmi ah u hirgashay xabad joojin la dhex dhigay beelo wada dega Salaxaad iyo Raaso.

Wasiir ku xigeenka Xafiiska Madaxweynaha Dowlad deegaanka Cabdi Risaaq Sayid oo ayaa sheegay in kulamada dhamaantood kaga hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xabad joojinta la dhex dhigay labada beelood ee shaqaaqooyinka dhaxmaray.

Dagaalkii deegaanka Salaxaad ee dhulka Somali Galbeed ku dhexmaray labada maleeshiyo beeleed ayaa waxaa uu sababay geerida dad badan iyo barakaca Boqolaal Ruux.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.