Dibadbaxayaal isu soo bax ka dhigayay bariga dalka Itoobiya ayaa waxay gubeen buug cusub oo uu dhawaan qoray rai’sul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed taasi oo ay taageero ugu muujinayeen Jawar Mohammed.

Jawar Maxammed ayaa sheegay in dowladda ay ka ceshatay ciidamadii ilaalinayay gurigiisa oo ku yaalla caasimada,balse waxaa arrintasi beeniyay saraakiisha dalkaasi.

Arrintan ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo ka dhacay afaafka hore ee guriga uu deggan yahay iyo qeybo kale oo dalka Itoobiya ka tirsan.

Inkastoo rai’sul wasaare Abiy lagu amaanay isbadalada uu dalkaasi ka hirgaaliyay ayaa hadana waxaa uu la daalaa dhacayaa xal u helidda isku dhacyo u dhaxeeya qoomiyadaha kala duwan ee dalkaasi.

Booliiska Itoobiya ayaa waxay beeniyeen in Jawar lagala noqday ciidamadii ilaalinayay,balse hadalka ka soo yeeray Mr Jawar ayaa waxa uu jahwaareer ku abuuray dowladda.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.