Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Qoor Qoor, labo malin kadib markii xilka laga tuuray Ra’iisal Wasaare Xassan Cali Khayre.

Sida aan wararka ku heleyno Madaxweynaha Galmudug ayaa markii uu soo gaaray Muqdisho loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya uu kulamo kula leeyahay Madaxweyne Faraamjo.

Ilo ku dhaw Villa Soomaaliya ayaa Halgan Media uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Qoor Qoor kawada hadlayaan ridista Xukuumadii Kheyre iyo sida looga gudbi karo marxalada siyaasadeed ee hada taagan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in Qoor Qoor kala tashanayo magacaabista Ra’isul Wasaare cusub iyo sida loo sii wadi karo wajiga sadexaad ee Shirka Dowlada federaalka iyo kuwa Maamul goboleedyada.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Qoor Qoor ayaa saaxiib dhaw la ahaa Ra’isul Wasaaraha hore Xasan Cali Kheyre oo maalin kahor xilka laga tuuray xili uu ku sugnaa Magaalada Dhuusomareeb.

Safarka Madaxweyne Qoor Qoor maanta ku yimid caasimada Muqdisho ayaa noqonaya kii ugu horeeyay uu ku yimaado caasimada tan iyo markii xilka loo doortay, waxaana safarkan ku yimid si deg deg ah kadib dalab uga yimid Madaxtooyada Soomaaliya.

Halgan Media.

Email : info@halganmedia.net