Maleeyshiyaadka Shiicada Yemen loo yaqaano Xuuthiyiinta ayaa sheegay in 20 goobood ka qabsadeen ciidamada dowlada Sacuudiga kadib markii ay gudaha u galeen gobalka Najran ee koonfurta wadanka Sacuudiga.

Muuqaalo ay kooxdan ku baahisay internetka ayaa muujinayey weeraro ay maleeshiyaadkaasi ku qaadayeen fariisimaha ciidamada Sacuudiga ku leeyihiin soohdinta u dhaxeysa Yemen iyo Sacuudiga.

Weeraradan kadiska ah ayaa u muuqda qorshe cusub oo ay Maleeyshiyaadka Xuuthiyiinta doonayaan inay cadaadiska ku saaraan Boqortooyada Sacuudiga, kooxdaasi ayaa horey weeraro duqeymo ah oo ay u adeegsadeen gantaalo iyo drone ulla beegsaday magaalooyinka iyo Xarumaha shidaalka ee Sacuudiga.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.