Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay isku dhacyo shantii maalin ee lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Amxaaradda ee waqoyga Itoobiya.
Iska hor-imaadyadda ayaa u dhaxeeyay maleyshiyaad degaan ah iyo ciidamadda ammaanka, sidda ay baahisay warbaahinta maxaliga.
Rabshadaha oo Jimcadii lasoo dhaafay bilowday ayaa yimid markii dabley ay dishay tobban ruux oo shacab ah.
Maalin kadib falkaas, maleyshiyaadka degaanka oo is-abaabulay ayaa kadiyey laba kolanyo oo ay la socdeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa shaacisay in goobtaas ay ku naf-waayeen tobban kamid ah xoogaga dalkaas dhaca Geeska Afrika.
Mas’uuliyiinta ayaa duulaankaas ku eedeeyay qowmiyadda Kimant, kuwaasi oo afhayeen u hadlay uu tibaaxay in uu ahaa “guluf is-daafacid ah”
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.