Maamulka Benshangul ee Galbeedka Ethiopia aya Manta kudhawaqay inay sii daayen 83 Dhalinyaro oo laso qabtay iyago si sharci daro ah tababar uqaadanaya.

Afhayeenka booliska ee mamuulka Benshangul aya sheegay 11 kamid ah in xabsiga lagu sii hayn doono sababa la xidhiidha inay iyagu dhalinyarada tababarka siinayeen taas oo Qatar ku ahayd amniga dalka  itoobiya iyo inay katirsan yihiin Jabhada loo yaqaano Beshangul People Liberation Movement (BPLM) waa sidu warbahinta ushegay.

Tababarada sharci darada ah aya kuso badanaya guud ahaan dalka itoobiya xili ay iska hor imaadyo badani udhaxeeyan Qoomiyadaha kala duwan ee dalka itoobiya.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.