Dowlada Federalka Itoobiya ayaa magacowday gudi cusub oo loogu talagalay inay hergeliyaan sharci uu ansixinayo baarlamanka, taas oo ah in qof walba oo ku nool dalka oo hub heysto inuu is diiwaan geliyo sid ay sheegtay idaacada Fana oo ku hadasho afka dowlada Itoobiya.

Gudiga ayaa kulankii u horeyay maanta ku qabtay magaalada Addis Ababa, waxayna sheegeen haddii la rabo in sharcigan hubka la hirgeliyo Waa in la helo qaab fudud oo qof walba oo la diiwaan geeliyay hub ku heysto wadanka sid ay warka u dhigeen idacaada FANA.

Dad badan oo falanqeeyo siyaasada Itoobiya ayaa ka shaki qabo sharcigan cusub oo kusaabsan hubka maadaama uu dalka Itoobiya ka jirin Dowlada la isku halayn karo, waxaana laga yaabaa inay Dowlada Federalka qorshaynayso sidii bulshada ku nool Itoobiya hubka looga dhigo taas oo halis badan ku jirto.

Biishii hore ayey aheed markii ay Barlaamanka Itoobiya ansixyeen sharci loogu talagalay inuu qof walba oo hub heysto inuu isku diwaan geliyo Dowlada.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.