Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay lagu dilay dalkaasi muwaadin Soomaaliyeed, oo lagu magacaabi jiray Axmed Xuseen Caddow (Axmed Dukaanle).
Kooxo burcad ah ayaa waxay Axmed Xuseen Caddow ku dhex dileen gaarigiisii, oo yaalay afaafka hore goob ganacsi oo uu ku lahaa deegaanka Retreat ee duleedka Magaalada Cape Town.
Ciidanka Booliska ayaa goor dambe gaaray goobtaasi, waana xilli ay baxsadeen dembiile-yaashii falkaasi gaystay.
Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku soo badanaya dilalka loogu gaysanayo ganacsatada Soomaaliyeed, taasoo loo aaneeyo booliska oo ka gaabiyay waajibaadkii loo igmaday.
Xalay waxa uu ahaa habeen kaloo madow oo soo wajahay Soomaalida faraha badan, ee siyaabooyinka kala duwan u joogga dalkaasi, waxaana dilkan ugu dambeeyay ka naxay intii maqal iyo muuqiisaba taqaanay marxuumka.
Halgan Media.