Xog hoose oo ay heshay Halgan Media ayaa sheegaya kooxo hubeysan oo heybtood la garanaynin ay xasuuq wadareed ka gaysteen deegaanka Kemis oo katirsan Ismaamulka Amxaarada.

Sida aan xogta ku helnay dablay hubeysan ayaa 9 qof oo kasoo jeedo qowmiyada Oromada ku dilay tuulada Dawe Marawa oo hoos timaado deegaanka Kemise, kadibna goobta ka baxsaday.

Dadka la lalaayay ayaa la sheegay inay ahaayeen dad rayid ah oo waxba galabsan, sidoo kale dilalkan ayaa kusoo beegmay xili ay xiisad udhaxeeyso Amxaarada iyo Oromada oo cirka isku shareeray.

Halgan Media.