Wararka laga helayo gobolka Shabelle ee dhulka Somali Galbeed ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeeyey laba beelo uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Dagaalka oo ka dhacay deegaanka Cadaadle ayaa u dhexeeyey labo beelo oo ka soo wada jeeda degaankasi.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay isu adeegsadeen toori iyo budhadh. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalka ku dhawaacmay laba qof.

Dagaalka kadib, waxa labada ruux la geeyey isbitaalka weyn ee magalaada Godey oo 18 kilometer u jirto degaanka Cadaadle.

Xaaladda saaka yare degan, balse ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta gobolka Shabelle.

Halgan Media.