Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal goor dhow dib uga qarxay deegaanka Lafweyn ee gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed.

Dagaalka ayaa salka ku haya arrimo la xariira dhul daaqsimeed, kaas oo uu murankiisu maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa deegaanka.

Dagaalkan ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo gaadhaya ilaa 5 dhimasho ah.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan dagaal beeleedka oo kasoo baxay dhanka Taliska Muse Bixi, kaas oo ku guuldareystay xalinta colaadda.

Isku dhacyada beelaha ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay waxay ka jirtay degaanada ka tirsan gobolka Sool, iyaddoo mas’uuliyiin ku baxay ay ku fashilmeen qaboojinta.

Halgan Media.