Ugu yaraan 17 qof oo kamida qaxootiga kunool xerada Qoloji ayaa la xaqiijiyay in laga helay cudurka Cronavirus iyadoo ay ino xaqiijiyen howl wadeenada xafiiska qaramada midoobay ee halkaasi ka hawl gala, waxeyna intaa wararka kudarayaan in 7 kamida bukaanada laga helay cudurka oo guud ahaan gaarayay 17 in ay kabaxsadeen xerada walina lagaraneyn halka ay jaan iyo cirib dhigeen.

Xafiiska qaramada midoobe ee uqaabilsan Itoobiya ayaa sido kale laga soo xiganayaa in ay jiran howl wadeeno caafimad oo ka howl galayay xerada Qoloji laga helay cudurka Cronavirus taarikhda marka ay ahayd 3dii bishan ee August.

Qaramada Midoobe ayaana walaac xoog leh kamuujisay cudurka Cronavirus ee kadilaacay xerada Qoloji, waxana sido kale laga cabsi qabaa in uu cudurka kusii faafo degaanka Somalida madama ay baxsaden 7 kamida bukaanadii laga helay cudurka walina latuhunsan yahay in ay gudaha deeganka Somalida ku dhuumaaleysanayaan.

Xerada Qoloji oo kamida xerooyinka ugu waa weyn geeska afrika ayaa kunool inkabadan boqol kun (100,000 ) oo qaxooti ah. Dhinaca kale maamulka uu hogaamiyo madaxweyne Mustafa Omar ayaana wali kahadlin cudurka kadilaacay xeradaas oo aysan gaarin wax gar gaar ah.

Halgan Media.