Warar goor dhow naga soo gaaray gobolka NFD ayaa sheegaya in masuulyin sare oo katirsan maamulka Jubbaland ay ku dhawcmeen shil gaari oo ka dhacay degaanka Ramo.

Sida aan xogta ku helnay, gaari siday masuuliyiin reer Jubbaland ah oo ku socday dhanka xerada ciidamada lagu tababaro ee la yiraahdo Baanyoolay uu gaari kula rogmaday degaanka Ramo ee hoos tagto magalaada Mandheera.

Gaariga rogmaday ayey wararku sheegayaan in uu ku dhaawacmay Gudoomiyihi hore ee Gobolka Gedo, Maxamed Abdi Kalil iyo 4 ruux oo la saarnaa, waxaana la sheegay in ay ku wajahnayeen Xerada Baanyoolay si ay u indha indheyaan ciidamada Jubbaland ay u tababarayso dowlada Kenya.

Xerada Baanyoolay oo ku taalo xaduud beenadka u dhaxeeyo Koonfurta Soomaaliya iyo gobolka NFD waxa ka socdo abaabul ciidan oo ka dhan ah dowlada Soomaaliya, ayna wadaan maamulka Jubbaland iyagoo kashanayo dowlada Kenya.

Halgan Media.