Xoga hoose oo ay heshay Halgan Media ayaa sheegaya in maxaabiis katirsan ururka Al Shabaab markale laga sii daayay xabsiga Serendi oo ku yaala Dagmada Xamar Jajab ee magalaada Muqdisho.

Qorshaha loo soo daayay waxa uu yahay waa in ay dilaan siyaasiyiinta Mucaaradka haddii fursad uu helaan sida ay Halgan Media ka xaqijiyen ilo amni.

Ariintan ayaa kusoo beegmaysa xili ay beelweynta Hawiye qabteen shir ka dhan ah xukuumada federalka Soomaaliya ee wakhtigeedu dhamaday, ayagoo ka tashanaya Mustaqbalka Beesha.

Sido kale waxay bartilmadsan doonaan dadka falanqeeya siyasaada dalka iyo dadka wax ku qora baraha bulshada ee kasoo hor jeeda Maamulka Farmaajo ee wakhtigiisii dhamaaday.

Maxaabiistan horay uga tirsanaa Al Shabaab ee xabsiga laga soo daayay ayaa loo qeybiyay bistoolada, kadibna lagu sii daadiyay magalaada Muqdisho, waxaayna hoos tagaan ciidamada Duufaan ee katirsan hayada Nabad Sugida ee NISA.

Ciidamada Duufaan waxay u badan yihiin dhalinyaro laga soo saaray xabsiga Serendi iyo xubno katirsan Amniyatka Al Shabaab oo lagu daro NISA, kadib markii uu Fahad Yasin hayada Nabad Sugida u gacan geliyay argagxiisada.

14ka biisha Abril ayey aheyd markii aan Halgan Media kuso daabacnay in maxabis katirsan Al Shabaab laga si deeyay isla xabsiga Serendi oo gaaraya ila 30 maxbuus, kadibna lagu darray NISA gaar ahaana qeybta loo yaqaano Duufaan oo uu taliye u yahay Iidow Mahamud Axmed (Halkan rix sida aad u Akhrisid xogtan aan soo qornay tadabaadki hore)

Halgan Media.