Maleeshiyad hubeysan ayaa degaanka Dhuumoodle ee gobolka Mudug ku dhawacay nin reer miiyi ah sida ay Halgan Media u xaqiijiyeen dadka degaanka.
Dableyda hubeysan oo weerarka geeysatay ayaa la sheegay in ay ka soo jeedaan degmada Galdogob, halka ninka la dhawaacay uu kasoo jeedo Koonfurta Gaalkacyo.
Laamaha amaanka ee Galmudug iyo Puntland, labadooda midna kama hadlin dhacdada, mana muqaato in ay Labada maamul tilaabo qaadi doonaan.
Haddi dhacdada nuucaan ah aan la xakamaynin, waxay u badan tahay in colaadu si xoogaysato, kadibna u burbuuro heshiishka nabadeed ee 2020kii dhex maray beelaha Leelkase iyo Sacad.
Halgan Media