Ciidamada Booliska Itoobiya ayaa xaqiijiyay in dilay labo ruux oo ka tirsan qowmiyadda Tigreega xilli ay ku sugnaayeen gobolka Oromada. Wararka qaar ayaa sheegaya in dilka labadda ruux ay daba socoto Xiisadda maalmihii lasoo dhaafay ka taagneyd Xadka Ogadenia iyo ismamuulka Oromada.

Labada qof ee la dilay ayaa la sheegay inay yihiin beeralay tobbonnaan sanno ku noolaa degaankaasi, waxaana la sheegay inay dileen dhalinyaro dibadbaxyo dhigayay. Dilka labadda ruux ayaa  loo adeegsaday dhagaxaan sidda ay sheegeen Ciidamada Booliska.

Qaar kamid ah dadkii weerar gaystay ayaa xabsiga loo taxaabay halka dadka kalena lagu dabo jiro. Malmahaan gudaha itoobiya waxaa kasocday xasuuq iyo dil lagu laynayay dadka Oromada ahayn, ila hada gumeysiga itoobiya maka hadlin ariintaan.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.