Ciidamo badan oo Itoobiyaan ah ayaa la sheegay in maanta ay ka soo gudbeen xaduudka beenadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Ogadenia.
Kumanaan askari katirsan militariga itoobiya oo wata gaadiidka dagaalka ee gaashaaman ayaa lagu soo warramayaa in ay ka soo talaabeen xadka, gaaar ahaan dhinaca degmada Luuq ee gobolka Gedo. Dad deegaanka ah oo la hadlay Halgan Media ayaa sheegay in Ciidamadaasi ay u soo jiheysteen dhanka gobolka Baay ee Koonfurta Soomaaliya.
Lama oga u jeedada rasmiga ee ka dambeeya arrintan, balse wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamadaasi ay tagi doonaan magaalada Baydhabo ee xaruunta gobolka Bay. Horay Ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Itoobiya ayaa sii sharci darro ku sugnaa Jamhhuriyada Soomaaliya gar ahaan deegaano ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool.
Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.