Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa wadooyinkeeda waa weyn waxaa isugu soo baxay boqolaal ruux oo ka careysan dad lagu diley magaalooyin ka mid ah dalkaas. Illaa labo boqol oo ruux ayaa loo xirey banaanbaxyadan rabshadaha wata kuwaas oo qarxay kadib markii ay caasimada Itoobiya ay soo gaareen hoggaamiyeyaasha mucaaradka jabhada OLF oo xarumo ku lahaa dalka Eritrea.

Wararka waxay sidoo kale ay sheegayaan in la bililiqaystay labada suuq ee ugu wayn magaalada Addis Ababa ee kala ah Biyaasa iyo Marakaato.  Taliyaha guud ee booliska Itoobiya Zeyinu Jamal ayaa sheegay in xabsiga la dhigay dad ka badan 300 qof oo lala xiriirinaya rabshadaha ka dhacay degmada Buraya oo ay dad badan ku dhinteen.

Wuxuu sheegay in dadka qaar ee dibadbaxyada waday ay isku dayayeen in qoryaha ay ka qaataan laamaha ammaanka ee xaaladda dejinayay. Qaar ka mid ah dadka banaanbaxayay ayaa waxa ay eedeynayeen ra’iisul wasaaraha  Itoobiya Abiy Ahmed kaas oo bilaabay in uu dib u habeyn ku sameeyo siyaasada dalka Itoobiya.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media