Iyadoo qaar kamid ah dhalinyarada ku nool magaalada jigjiga ee caasimada ay rabshada ka wadeen magaalada kadib markii maalmo ka hor jigjaga ay gaareyn xubno ka socda jabhada ONLF ayaa wakiilka gumeysiga u qabilsan Ogadenia Mustafe Cumar Cagjar waxaa uu booliiska magaalada ku armay in ay gacanta kusoo dhigaan cid kasto oo aql-aql galisay amaanka magaalada jigjiga.

Sidoo kale mustafa cagjar ayaa waxaa uu ciidamada booliiska amar ku siiyay in sharciga la tiigsadaan dadka doonaya in ay amni darro abuuraan,iyadoona booliiska uu kaga digay in ay xadgudub sameeyaan.

Wararkii ugu dambeeye ee naga soo garaya magaalada jigjiga ayaa ku waramaya in magaalada lagu soo daadiyay  maleeyshiyaad ka hortaga rabshadaha.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media