Ku dhawaad 50 qoys oo kasoo barakacay xaduudka Ogadenia iyo ismamuulka Oromada ayaa gaaray degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Qoysaskan oo isugu jira caruur iyo dad da’ah ayaa ka dalbaday shacabka Soomaliyeed iyo hay’adaha caalamiga inay gurmad usoo sameeyaan, iyagoo sheegay in hantidoodii la dhacay.

“Xoolo iyo beero ayaan lahayn intiiba waxaa naga qaatey Oromada. Guryihiina naga gubey, maanta wax aan heysano maleh, bacaan ku hoos jirnaa.” Saynab Cali oo 75 jir ah ayaa sida u sheegtay warbaahinta.

Canab Cabdi Cali, gudomiyaha xerada ay dagan yihiin dadka soo barakacay ayaa sheegtay qoysaska ku nool xerada inay heysato dhibaatooyin kala duwaan oo hoyga iyo cunada ugu horreyso, iyada inta ku darta xata biyo nadif ah inaysan helin.

“Dadkan waxay ahaayeen dad aan waxba wadan, qaarkood ayaa hata carruurtii ay dhaleen kaasoo tagay oo awoodi waayay inay halkan soo gaarsiiyaan,” Canab Cabdi ayaa sida sheegtay, waxaa ay ku baaqday si deg deg ah in qoysaskan loogu soo gurmado.

Isku dhacyada shacabka Somalida Ogadenia iyo Oromada ayaa sababay boqool qoys inay usoo barakacaan gudaha Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.