Qabanqaabo ku aaddan xuska 14-ka Oktoobar ee xasuuqii Isgoyska Sooobe ayaa haatan si habsami leh uga socota gudaha magaalada Muqdisho.

Madaxda dowladda iyo kuwa Gobolka,ayaa saakay ku howlan ka qeybgalka xuska 14-ka Oktoobar oo maalin Madow u ah dadka Soomaaliyeed.

Dadweyne  fara badanayaa sidoo kale isu diyaarinaya saaka xuska Qaraxii weynaa ee 14kii October ee sanadkii hore maanta oo kale ka dhacey Isgoyska Soobe ee M/ Muqdisho.

Waddooyinka soo gala isgooyska Soobe ayaa xiran saaka, Ciidanka ammaanka ayaa sugaya Amnniga, kuwaasi oo dadka baaraya, si xuska munaasabada ay uga qeybqaataan.

Boorar lagu soo qorey hal ku dhigyo iyo sawirradii tiiranyada lahaa ee Musiibadii 14-October,ayaa ka muuqda hareeraha wadada Soobe.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.