Bilooyinkii ugu dambeeyay waxaa kordhay dilalka ay geestaan ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka howlgala magaalada Muqdisho kuwaa oo si isku mid ah u laynaya shacabka.

Dhowrkii Todobaad ee la soo dhaafay waxaa Xamar ka dhacay dilal naxdin leh oo ciidamada u geesteen odiyaal, haween, dhalinyaro iyo waliba Ganacsato.

Askari katirsan ciidanka dowladda ayaa rasaas ooda kaga qaaday Todobaadkan gudahiis dad shacab ah oo mingis ku jiray kaa oo ku yaala degmada Wardhigleey, hal qof ayaa ku dhintay halka 13 qof kale ku dhaawacmeen.

Xalay Askari katirsan ciidamada dowladda ayaa dad shacab ah oo ku sugnaa Isgoyska Seybiyaano ku dilay Laba qof oo shacab aheyd.

Askari katirsan ciidamada ayaa horaantii bishan isgoyska Sanca ku dilay haweeney khudaarley aheyd.

Askari katirsan ciidanka dowladda ayaa isna iskgoyska Xamar Jajab ku dilay nin ka ganacsada bagaashka, waxaana ka horeeyay mid kale oo gabar Bajaaj saarneyd ku dilay isgoyska Warshadda Caanaha.

Inta badan askartan dowladda ma soo qabato hadii ay soo qabatana cadaaladda iyo xukunka si sax ah looma marsiiyo.

Sababta ugu weyn ee dilalka u soo laabten ayaana ah talaab sharci ah oo laga qaadeyn kuwa caadeystay iney daadiyaan dhiiga shacabka.

Halgan Media.