Sidda ay Halgan Media u xaqiijiyeen dad kusugan magalaada Muqdisho, Laba nin oo mid Macalin yahay , mid kalena uu yahay Maamule Iskuul ayaa lagu dilay Xaafada Suuqa Xoolaha qaybta xigta Degmada Yaaqshiid.

Koox hubeysan  ayaa dilay Macalimiintaan xilli ay macalimiinta soo xireen iskuulka, islamarkaana hoyaad u ahaayeen Xaafadahooda. Macalimiinta la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Sayid Maxamed Xasan iyo Maxamed Maxamuud Xasan.

Illaa hadda lama garanaayo sababta ka dambeysa dilkaan loo gaystay Macalimiintaan wax ka dhigaayay Iskuulka Al Furaat ee Degmada Yaaqshiid. Kooxda dilka geysatay ayaa horay u qaadatay Computero iyo Mobeeladdii ay wateen.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.