War lagu qoray bogga safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dawladda Jarmalka oo ka qayb qaadanaysa dib u kabashada Soomaaliya ay 5-milyan oo Doller ku bixinayso mashaariic loogu tala galay in lagu hormariyo farsamada gacanta oo dhalinyaro badan ay ka faa’iidaysan doonaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in la hormarinayo islamarkaana la furayo dugsiyo loogu talo galay Farsamada gacanta, taas oo shaqo abuur u noqon doonta dhalinyarada Soomaaliyeed ee qaarkood naftooda halis u galiya Tahriibka.

9-kii October ee sanadkan Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa gaaray laba heshiis oo dhinaca tababarada faramada gacanta looga caawinayo Soomaaliya iyo heshiis kale oo ku saabsan iskaashiga maaliyadda iyo dawlad wanaagga.

Dawladda Jarmalka ayaa Soomaaliya ka taageeraysa waxbarashada farsamada gacanta, taas oo hoos u dhigaysa saamiga dadka shaqo la’aanta ah.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.