Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku dhintay, tiro kalena oo aan la shaacinna wey ku dhaawacmeen kadib Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay bar koontarool oo ay ku sugnaayeen Ciidamo Boolis ah oo ku yaalla caasimadda Afghanistan, ee Kabul.

Qaraxaan ayaa imaanayaa iyada oo ay ciidamada amniga Afghanistan sheegeen in ay la tacaalayaan la dagaalanka Taliban.

Qaraxa ayaa laga maqlay magaalada caasimadda ah ee Afghanistan maanta oo Isniin ah, waxaana ay wasaaradda arimaha gudaha ee dalkaasi ay sheegtay in ay wadaan samatabixin.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxaan, waxaana socda baaris ku saabsan sababta iyo sida uu qaraxaan u dhacay.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.