Wararka nagasoo gadhaay gudaha Ogadenia gar ahaan gobolka Fafaan ayaa sheegaya in maleeyshiyaadka Oromada ay galabti weerar kuso qadeen qabalaha udhow degmada Tuuliguleed.

Dagaalka wuxuu bilaabay markii ay maleeyshiyaadka Oromada ay hal mar weerar kuso qadaan qabalaha Sheekhmadow, Sandacare, Hoosale, Uswayne, Dabalwayne iyo Dharcaseeye. Ugu yaraan laba qof oo Somali ay maleeyshiyaadka Oromada kudileen si ka baxsan bani’adamnimada.

Halgan Media waxaay heshay magacyada labada qof ay Oromada maanta ku dhishay duleedka Tuuliguleed iyo waxaa kamid ah.

  • Guleed Cabdi
  • Muhidiin Adan

Waxaan ilahay ka baryayna inuu jannah fardowsa ku warabiyo dadka maanta si naxariis la’aan loo dilay.

Si kastaba ha noqotee, ilaa iyo wakhtigan xaadirka ah ururada Oromada, Aqoonyahanka, Indheer-garadka, siyaasiyiinta iyo dadka caanka ah ee magaca iyo maqaamka ku dhex leh shacabka oromada ayaan kahadlin oon canbaaraynin kana dhiidhiyin xasuuqa lagu hayo shacabka Soomaaliyeed ku dhaqan xaduudka udheexyo Ogadenia iyo ismamuulka Oromada.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.