Booliska gobolka Minnesota ee dalka Mareykasn waxa ay xireen Lloyd Edward Johnson, oo 55 jir ah, ka dib markii lagu eedeeyay falal ka baxsan Sharciga in uu kula dhaqmay dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku sugnaa goob Maqaayad ah oo ku taall degaanka Eden Prairie.

Xariga ninkaan ayaa yimid ka dib markii Muuqaal looga duubay  taleefanka gacanta ay ku baahisay Baraha bulshadda gabadh ka mid aheyd kuwii dhibaatada la kulantay.

Johnson ayaa  lagu eedeeyay in uu rasaaseeyay koox dhallinyaro ah oo Soomaali ah gudaha Maqaayadda lagu Magacaabo McDonald.

Waaxda Ciidanka boliiska ee degaanka  Eden Prairie ayaa sheegtay in Johnson la xiray “sababo macquul ah oo ku aadan in uu qorsheeyay weerar”.

Booliska waxa ay sheegeen in kiiska ninkaan loo gudbiyay  Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Degmada Hennepin si uu u xukumo.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.