Wararka laga helayo magaalada Jiigjiga ee xarunta gobolka Fafaan ayaa ku warramaya in maanta lagu arkayo Ciidamo itoobiyan badan oo loo soo dhoobay gudaha magaaladaasi.
Ciidamadan oo ka socda dowladda federaalka ee Itoobiya ayaa la sheegay in lagu arkayo Waddooyinka waa weyn ee magaalada Jigjiga.
Arrintan ayaa timid, kadib markii dadka deegaanku ay caroodeen xarig lagula kacay Madaxa nabad galyada ee mamuulka Jigjiiga, iyadoona shalay rabshado ka dhashay xarigaasi ay ka dhaceen halkaasi.
Askartani la soo dhoobay gudaha Jigjiga ayaa ka hortagaya rabshado hor leh oo laga cabsi qabo in ay markale ka dhacaan magaaladaasi.
Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.