Wararka haatan naga soo gaadhaya degmada Afdem ee dalka Ogadenia ayaa waxay sheegayaan in mudaaharaadkii ka socday gobolka Shiniile oo logu hor jeeday xasuuqda iyo dhul balaadhsiga ay Oromada ka wadaan xaduudka udheexyo Ogadenia iyo ismamuulka Oromada uu soo gaadhay haatan degmada Afdem.

Mudaaharaad ayaa hada ka socda meel lagu magacaabo Afdem oo ku tallo galbeedka Ogadenia oo katirsan gobolka Shiniile, waxaana isu soo baxay dhamaan dhalin yaradii iyo shacabkii ku dhaqnaa degmada ayagoo qabtay mudaaharaad balaadhan oo ay kaga soo horjeedaan xukuumada OPDO iyo maleeyshiyaadka Oromada oo dadka ku gumaado xaduudka udheexyo Ogadenia iyo ismamuulka Oromada.

Xaalada gobolka shiniile ayaa waxay kasii daraysa marba marka kasii danbaysa waxaana gumaysiga Itoobiya iyo gacan yarayaashiisu bilaabeen inay dadka isku diraan siidi ay fashilmi laheed kacdoonka kasocdo gobolka Shiniile logo hor jeedo Oromada.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.