Wararka nagasoo gadhaya magalaada Qabridahare ee xaruunta gobolka Qoraxay ayaa waxay sheegayaan in ciidamada gumeysiga itoobiya iyo maleeyshiyaadka Liyuu Bolis ay shalay xabsiga u taxaabeen in ka badaan 400 oo qoof oo shacab ah tirada dadka xabsiyada ku jira ayaa la sheegay inay intaas ka badan tahay.

Maleeyshiyaadka Liyuu Bolis iyo ciidamada gumeysiga itoobiya ayaa sidoo kale waxaay go’doon galiyeen magalaada sidoo kale waxayna jidh dil iyo garaac badaan u gaysteen dadkii shacabka ahaa ee magalaada, waxaana dhaawac soo gaadhay sida naloo sheegay 70 qof oo shacab ah.

Shacabka magalaada Qabridahare ayaa waxay ka gadoodeen kadib marki ciidanka gumeysiga itoobiya ay xadhig ku dhileen gabadh kamida ahayd shacabkii magalaada ku dhaqnaa.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalsoco Halgan Media.