Wararka nagasoo gaadhaya gudaha Ogadenia gaar ahaan dagmada Tuuliguleed ee gobolka Faafan ayaa waxay sheegaya in Maleeshiyaad hubaysan oo Oromo ah ay xalay weeraro kuso qadeen shacab soomaaliyeed ah oo ku dhaqan Tuuliguleed.

Ilaa iyo hadda waxaa ku dhintay 6 qof oo Somali, waxaa kale oo jira dhaawac tiro badan waxaana burbur xooggan loo geystay meheradaha ganacsiga oo ay Soomaalidu ku lahayd degmada Tuliguleed.

Maleeshiyaadka Oromada iyo shacabka oo is wata ayaa waxay cagta mariyeen meherado ay Soomaalidu ku lahaayeen degmada Tuliguleed waxay sidoo kale bur buriyeen hanti badan oo dad shacab ah lahaayeen. Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.