Ugu yaraan 12 ruux ayaa ku dhimatay 20  kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii la qarxiyay Shirkad laga leeyahay dalka UK oo ka shaqeysa dhanka Ammaanka loo taqaano “Mercenary” oo ku taalla  magaalada Kabuul, sida ay saraakiishu sheegeen.

Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa oo uu waday ruux naftiis halige ah ayaa ku dhuftay Iridda hore ee laga Galo Shirkadda Xilli halkaasi ay soo galiyeen Shaqaallaha Shirkadda iyo dad loo qabaanayay Adeegyo kala duwan.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Afgaanistaan ​​ayaa sheegay in tiro aan la garaneyn oo hubaysan ay soo galeen dhismaha kadib markii ay bamka ku qarxiyeen xarunta oo ay la dagaallameen ciidamada ammaanka.

Gudaha dhismaha Shirkadda ayaa la aaminsan yahay in ay isku qarxiyeen Labo ruux. Ciidamada Ammaanka ayaa la sheegaya in ay gudaha ku dagaallamayaan Jabhada Taliban weerarka soo qaaday.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.