Wararka nagasoo gadhaay gudaha Ogadenia gar ahaan gobolka Fafaan ayaa sheegaya in degmada Tuliguuleed lagu xidhay guddomiyaha degmada iyo labo kaba qabil oo kasoo jeedo beesha Gerri Kombe.

Ciidamada federalka Itoobiya ayaa xiray guddomiyaha degmada Tuliguuleed Maxamed Khalif iyo labo kabo qabil oo kala ah Xassan Jigre iyo Maxamed Xassan. Sida xogta aan kuhelayno waxa dadka loo xidhay inay amaar ka dhideen madaxweyne Mustafa Cagjar kadib markii oo Mustafa Cagjar amray in qolaada loo yaqaano Jaarso oo kasoo jeedo qomiyada Oromada in lagu darro manuulka degmada Tuliguuleed.

Waa ariin aad lagu huumado inuu Mustafa Cagjar amro in shisheeyaha gar ahaan Oromada lagu darro mamuulka degmada Tuliguuleed, waayo kooxda loo yaqaano Jaarso oo kasoo jeedo qomiyada Oromada waa kuwi weerar kuso qaado degmada Tuliguuleed iyo sii naxariis la’an u layaan shacabka Somalida oo waxba galabsanin.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.