Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta qalinka ku duugay lacag cusub oo dalkaasi sameystay taas oo suuqyada Kenya si rasmi ah u geleysa maanta oo Talaado ah.

Lacagtan oo ah Shilinka Birta ah ayaa ah qeybta loo yaqaan qadaadiicda,waxaana xilliga uu Madaxweynaha saxiixayay la joogay Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Kenya.

Sida uu dhigayo Dastuurka Kenya ee la qoray 2010kii waxaa uu farayayin lacago cusub la soo kordhiyo.

Lacagtan oo ka kooban 10 Shil iyo 20 Shilin ayaa suuqyada Kenya lagu billaabayaa maanta oo Arbaco ah sida uu sheegay Madaxweynaha.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.