Wararka nagasoo gaadhaya gudaha Ogadenia gaar ahaan dagmada Tuuliguleed ee gobolka Faafan ayaa waxay sheegaya in Maleeshiyaad hubaysan oo Oromo ah ay weeraro ku hayaan dad shacab soomaaliyeed ah oo kudhaqaan tuulada Malowleh  udhow degmada Tuuliguleed.

Maleeyshiyaadka Oromada iyo shacabkooda iskashaanaya ayaa kasoo gudbeen xaduudka udheexeyo Ismaamulka Oromada iyo Ogadenia kadib hal mar weerar culus kuso qadaay tuulada Malowleh loo yaqaan Koora Elema ee duleedka Tuuliguleed.

Goobjoog kusugaan gobta dagaalka ka dhacay ayaa idacaada Halgan Media u sheegay inay maleeyshiyaadka Oromada ku jabeen dagaalka maanta dhacay kadib markii ay shacabka Somalida iska ceeliyen maleeyshiyaadka Oromada. Ugu yaraan hal qof oo Oromo kamid maleeyshiyaadka kuso dulaay shacabka Somalida ayaa dagaalka maanta lagu dilay.

Sii kastaba ha ahaatee waxaan ilaahay ka baryayna inuu kala qaboojiyo dhiiga daadanayo. Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.