Baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lala beegsaday saldhig ciidamada Afqanistaan ku leeyihiin koonfurta dalkaasi, waxaana ku dhintay ugu yaraan 126 kamid ah ciidamada ammaanka halka tiro 34 ay dhaawacmeen.

Saraakiisha dalka Afqanistaan waxay sheegeen in weerarka uu ka dhacay gobolka Maidan.

Ururka Taalibaan ayaa sheegay inay ka dambeeyeen weerarka lagu qaaday ciidamada Afqanistaan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.