Wararka nagasoo gadhaay Ogadenia (Somali Galbeed) ayaa sheegaya inuu xasuuq bahsaan kasocdo magalaada Diridaba ee gobolka Shiniile, kadib markii ay Oromada weerar xoggan kula kaceen shacabka Somalida.

Boqoolal qoys ayaa ka barakacay xafaadaha kamid magalaada Diridaba siidi Gandagrada, Xafaad isse iyo Sheekh Xabib. Dadka kusugaan magalaada ayaa sheegay inay Qomiyada Oromada oo Marti kujoogo magalaada Soomaaliyeed ee Diridaba bilabeen inay gubaan guryo iyo hanti badaan ay Somalida leyihiin. Tira koob rasmi lama haayo marka la firiyo imiisa guri ay Oromada gubeen lakiin waxaa la xaqiiji kaara inay xafaadaha Somalida degto ay ciidla yihiin kadib markii ay Oromada iyo ciidamada itoobiya oo iskashanayo ay bilabeen inay xasuuqan shacabka Somalida.

Sidoo kale shacabka Oromada ayaa gubeen laba Hotel ay Somalida leyihiin loo yaqaano Hotel Bile iyo Hotel Graany oo kuyallo magalaada Diridaba. Waxaan sidoo kale magalaada kasocdo xadhig bahsan oo loo geysanaayo shacabka Somalida. Xafaada Sheeikh Abib 48 sac udhambayaay waxaa lagu xiray ugu yaraan 55 qof siidi ay sheegan qar kamid dadka degan xafaada.

Weli Shacabka kudhaqaan magalaada Diridhaba wax gurmad ma helin. Xitaa mamuulka Somalida oo hoggamiyo Mustafa Cagjar kama hadlin Xasuuqda iyo Barakicinta lagu haayo shacabka Somalida oo degan magalaada Diridaba.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.