Waftigii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa maanta gaadhay Dagmada Gob Cuusbo ee gobolka Afdheer.

Waftigan oo uu horkacayay Mudane Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa siwayn loogu soodhaweeyay Dagmada Gob Cuusbo.

Dad shacab ah oo aad utiro badan ayaa isugu soobaxay goobtii lagusoo dhawaynayay waftiga JWXO, waxayna waftigu si wayn ula hadleen dadkii shacabka ahaa ee isusoobaxay.

Dadka shacabka ah ee kudhaqan Dagmada Gub Cuusbo ayaa dhankooda sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin imaatinka madaxda JWXO Iyo waliba qorshahooda wanaagsan.

Hoos Ka Daawo Sawiirada

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.