Wararka laga helayo Gobolka Bay ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya inay ururka Al Shabaab weerar Madaafiic ah ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ay ku leeyihiin Garoonka magalaada Baydhabo.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhawaac, balse aan la xaqiijin karin inta uu la egyahay.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Bay oo ku aadan weerarkaasi. Ugu yaraan 30,000 ciidamo itoobiyan ayaa dulaan Ku joogo Koonfurta Soomaaliya, waxaayna u badan yihiin gobolada Bay, Bakool, Hiraan, iyo Gedo.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.