Wararka nagasoo gaadhaya Magaalada Adis Ababa ee Caasimada Taliska Itoobiya ayaa sheegaya In Gudiga fulinta Ururka EPRDF Kulan isoogu imaaday.
Gudiga fulinta ururka EPRDF ayaa isoogu imaaday doona kulan ay kaga Arinsan hayaan Xaalada Itoobiya.
Warkasoobaxay Xafiiska EPRDF ayaa lagu sheegay in Gudiga fulintu Qimayn doono isbadalka Itoobiya kadhacay iyo sidii loosii xoojin lahaa, waxaana lasheegayaa inuu jiro khilaaf udhaxeeya Xubnaha Ururka EPRDF.
Waxaa aad ugu kala aragti duwan qoomiyadaha Oromada iyo Axmaarada oo kuwada jira isbahaysiga EPRDF, waxaana lafilayaa kala aragti duwanaanshaha qoomiyadaha in ay qayb katahay dhibka wadanka haysta.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.